Soomaali Maraykan magdhaw Malyan ka badan loo xukumay (Sababta)

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2018 – Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo qaabilsan diyaarinta Hillibka Lo’da ayaa ogolaatay inay bixiso lacago badan oo magdhaw ah, waxaana lacagtaasi la siinayaa 138 qof oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya. Cadadka lacagta loo xukumay Soomaalida waxay gaaraysaa Hal Malyan iyo Bar Doollarka Maraykanka.

Dadkaan Soomaalida ah ayaa laga ceyriyay markii hore shirkada hillibka Lo’da soo saarta ee la yiraahdo Fort Morgan Beef Processing.

Sababta ayaa la sheegay inay tahay markii shirkadaasi u diiday dadka Soomaalida ah ee u shaqeynayay inay qaataan fasax gaaban si ay u gutaan waajibaadka Salaadaha maadama ay yihiin Muslimiin.

Shirkad kale oo fadhigeedu yahay Minnesota  (Cargill Meat Solutions) ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay tababaro siiso shirakadaha ka ganacsada hillibka si shaqaalahooda Muslimiinta ah ay ugu dhibriyaan xilliyada ay doonayaan inay cibaadaystaan.

Inkastoo aysan ku faraxsanayn ganaaxa la saaray shirkadaan Fort Morgan Beef Processing, haddana waa ay aqbashay inay bixiso magdhawga lagu soo rogay.

Boqolaal Soomaali ah ayaa ka shaqeeya shirkada Fort Morgan oo ku taala waqooti bari Magaaladda Denver.

Maamulayaasha shirkadan ayaa lagu eedeeyay kala sooc ay kula dhaqmeen shaqaalahooda gaar ahaan taakoor gaar ah oo ka dhan ah Muslimiinta u badan Soomaalida ee u shaqeynayey shirkadaasi intii u dhaxaysay sannadihii 2016 – 2017.

Hadalsame Media