Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Magaaladda Marka

0

(Muqdisho) 15 Sebt 2018 – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhiggeen sarkaal ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Qabashada ayaa timid kadib hawlgal qorsheysan oo ciidanku ka sameeyay gudaha Magaaladda waxaana sida la sheegay lagu qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo miino aasayay xiliga la qabanayay.

Axmed Gaashaan oo ah taliyaha guutada 14 Oktobar ee Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa warkaan u xaqiijiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu badan oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab iyadoona ay dagaalada ka dhacaya gobolkaasi noqdeen kuwa joogto ah.

Hadalsame Media