MAXAA LA GUDBOON SHACABKA? “Dad & dal midna uma diir naxaan” – Nuxurka xog-warrankii M. Keating

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2018 – Xog warankii uu Michael Keating siiyay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay inta badan waxaa ku jiray arimo ceeb iyo sumcad xumo u ah dadka iyo dalka Soomaaliya, nasiib darro waxaa uu aduunka hortooda ka sheegay arrimo intooda badan run ah oo aan la difaaci karin waxayna taaban doontaa jiilka Soomaaliyeed ee barito sumcadooda.

Hadaldiisa waxaa ka mid ahaa:

1 – Soomaalida wadaniyad-nimadda waxaa kaga wayn qabiil iyo dantiisa gaar ah.

2 – Waqtiyada doorashooyinka marka la gaaro waxaa hor u kaca qarashka lagu gato odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta.

3- Sharciga mooshinka meeshii dalka lagu saxi lahaa, waxay u isticmaalaan in lagu helo lagac, mansab iyo dan qabiil.

4 – Dhibka dadkooda ma arkaan, sida ku dhaqanka cadaaladda, shaqo la’aanta haaysata dhalintooda, ku xad gudubka dumarka, xaquuqul insaanka iyo qaxootiga dalka dhexdiiisa oo gaaraayo 2.5 milyan oo dad ah, waxaa uga muhiimsan danahiisa gaarka ah iyo mida qabiilkiisa.

Hadaba, marka aad aqoon u leedahay luuqada diblomaasiyadda waxaa kuu soo baxaaya hadalkii Amb Keating inuu ahaa mid uu ka run sheegay dhaqanka cusub ee maanta dalkeena iyo dadkeena ay leeyihiin. Runtii waa Ayaan daro, haddaba maxaa nala gudboon?

Waxaan marnaba laga maarmi doonin kacdoon shacab oo dib loogu hanto sharafka iyo sumcada dalkeenna Soomaaliya si loo badbaadsho dadkeena.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media