TIRAKOOB: Xulkii ugu da’ yaraa muddo 42 sanadood ah

0

(Roma) 09 Sebt 2018 – Xulkii Talyaaniga ee saftay ciyaartii Poland ayay da’diisu celcelis ahaan ahayd 26.4 sano, taasoo ka dhigaysa xulkii ugu da’da yaraa tan iyo 1976-kii.

Roberto Mancini ayaa doonaya inuu sameeyo isbeddel dhanka jiilka ah waxaa kaloo cusub inuusan xulka ku jirin hal laacib oo ka mid ahaa xulkii guuleed ee ay Koobka Adduunka hantay 2006-dii.

Haddaba, Corriere dello Sport ayaa tirakoob uu sameeyay ku sheegay in kooxdii safatay UEFA Nations League ay da’deedu celcelis ahaan ahayd 26.4 sano, waana kooxdii ugu da’ yarayd tan iyo Oktoobar 23, 1976-kii oo ay Talyaanigu ciyaar isreebreebka KA1978 ahayd la dheelaysay Luxembourg, kuwaasoo uu laylinayay Enzo Bearzot, oo Azzurri u qaaday KA1982-kii.

Hadalsame Media