Dowladda Somalia oo sheegtay inay la’dahay midabka rasmiga ah ee CALANKA dalka!!

0

(Muqdisho) 24 Agoosto 2018 – Warkaan waxaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,waxa uuna sheegay in hadda baadi goob lagu haayo midabka saxda ah ee Calanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Xarumaha Dowladda, xilliyada shirarka laga qeyb galayo iyo meel kasta markii la tago lagu arkayo Calanka soomaaliya oo midabadiisu ay kala duwan yihiin.

”Markaad fiiriso xafladaha iyo shirarka ay Soomaalidu iskugu timaaddo, waxaad arkaysaa in uu qof kastaahi midab iska sito. Xitaa arag booqashadii uu madaxwaynuhu ku tegey gobollada dhexe.” ayuu yiri Maareeye.

“Xaqiiqdii hadda majirto cid isticmaasha midabka saxda ah ee Calanka Soomaaliya,waayo waxaan arkaa markii shirar Caalami ah laga qeyb galayo ama munaasabado dalka ay ka dhacayaan in lala tago Calanka Soomaaliya oo midabkiisa midna cadeys yahay midna buluug tiq ah uu yahay ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Arrintan ayaan la hubin inay tahay muhiimad 1-aad oo ka horreeysa waxa howl adag hor taalla dowladda Somalia, waloow ay jiraan dad u guuxey oo soo dhoweeyay, halka ay dadka qaar ku tilmaameen wax uun ka tirsan mashaariicda dakhli doonka ah.

Hadalsame Media