XOG XAREEDAYSAN: Milan oo Lazio kala hadashay SMS, Bacca & kaash ay Castillejo ku doonayso + laacibka biddaalka u ah & Tiemoué Bakayoko oo caafimaadka maraya & lambarka uu qaadanayo! + Sawirro

0

(Milano) 13 Agoosto 2018 – Sida ku dhigan Tuttosport, waxaa dhacay kulan dhexmaray Elliott oo ah hay’adda hadda leh Milan iyo madaxwaynaha Lazio ee Claudio Lotito si ay ugasoo qaataan Sergej Milinkovic-Savic, kaasoo waydiisanaya 120m oo euro, waloow uusan xirin albaabka ah inuu laacibka ku bixiyo qaab amaah sharafeed ah.

Qaaciddada ay Milan degtey ayaa ku qotonta 40+80m oo ay 40m hadda bixinayso, halka 80m ay sanadka xiga bixinayso, ama in ay Lazio u bandhigaan laacibiin ay ka mid yihiin Bonaventura, Borini, Montolivo iyo kaash.

Dhanka kale, sida uu sheegayo Sky Italia, laacibka Tiemoué Bakayoko, oo haatan caafimaadka u maraya kooxda Milan ayay dhici kartaa inuu horay ka safto kulanka todobaad dhamaadka ee ay ku wajahayaan Genoa, isagoo qaadan kara lambarka 14-aad, kaasoo ah lambarka xaafaddii uu kusoo koray ee magaalada Paris.

Waxaa dheer, Leonardo iyo Maldini ayaa ku jira raadinta laacib garab ah oo uu dalbaday Rino Gattuso waxayna haatan dib ugu laabteen Samu Castillejo oo ka tirsan Villarreal: Rossoneri Ayaa doonaysa inay isku darto Bacca iyo 18 milyan oo euro, balse waxay kooxda Spanish-ku doonaysaa 25m.

Waxaa biddaal u ah laacibkii hore ee Malaga ee Quincy Promes, oo haatan ka tirsan Spartak Moscow, kaasoo laftiisa lagu qiimeeyo 25m oo euro.

Hadalsame Media