DAAWO : Garoonka lagu marti gallin doono ciyaaraha mamul goboleedyada 2018 oo la dhagax dhigay

0

(Gaalkacyo) 13 Agoosto 2018 -Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug laga dhagax-dhigay dhismaha Garoonka kubada cagta Cawaale kaa soo la rajaynayo in lagu qabto ciyaaraha maamul goboleedyada.

Munaasbada dhagax-dhiga waxaa goob jog ahaa  Wasiirka wasaarada Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowlada Puntland, maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, Bahda Ciyaaraha gobolka iyo marti sharafkale.

Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland C/raxmaan Sheekh Axmed ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo lagu marti gallin doono ciyaaraha maamul goboleedyada 2018-ka.

Hadalsame Media