Toogasho ka dhacday Muqdisho.

0

(Mogadishu) 12 Agoosto 2018Wararka laga helayo degmada Yaaqshiid gaar ahaan Suuq Bacaad ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay toogasho ku dileen mid ka mid ah rag hubeysana oo markii hore toogasho ka gaystey halkaasi galinkii dambe ee maanta.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Hadalsame Media in ciidamada amaanku ay toogteen ruux loo maleynayo inuu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo had iyo jeer dilal ka fuliya Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ruuxa la toogtey uu markii hore isna toogasho u geystey muwaadin Soomaaliyeed sida uu yiri.

Wararku waxay sheegayaan in sidoo kale ciidamadu qabteen ruux kale oo looga shaki san yahay inuu la socday midka la toogtey. Ruuxa la toogtey ayaa la sheegay inuu ku hubeysanaa Bastoolad islamarkaana uu iska caabin kala hortagay ciidamada amniga.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ruuxa la toogtey uu isku dayey inuu baxsado kadib markii uu toogasho u gaystey askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hadalsame Media