DHEGEYSO: ”War kuwaasi waa i gubayaan!” – Codka duuliyihii dayuuraddii ka yaabisay Seattle oo la helay!

0

(Seattle, WA) 12 Agoosto 2018 – Cod laga duubay ninkii shalay ka yaabsaday booliiska, ciidamada cirka iyo koontoroolayaasha hawada magaalada Seattle, ayaa muujinaya ninka oo ka walaacsan dayuuradda oo uu shidaalku kasii dhamaanayay iyo sida uu dayuurad duulinta qayb ahaan ugu bartay ciyaar gacmeedka (video games).


Wada sheekaysiga dhexmaray, ninkan, oo loogu yeerayay Rich/Richard, iyo nin ka mid ah kuwa koontoroola hawada kahor inta aysan dhicin dayuurad ahayd Horizon Air Q400, ayaa waxaa soo bandhigay weriyaha dhanka duullimaadyada iyo dayuuradaha Jon Ostrower.

Ninka ayaa mar ka walaacayay shidaalka. “Waxaa haatan iigu haray wax ka yar 2,100 (oo rodol),” ayaa laga maqlayay isagoo leh. “Waxaan ka bilaabay 30 iyo meelahaas…. Ma aqaanno arrintan, lkn shidaalka si ka badan sidaan filayay ayay u cunaysaa.” ayuu daba dhigay.

Ninka saaran tiirka dheer ee garoonka ayaa deeto u sheegay inuu jiro dhabbe dayuuradeed (runway) dhankiisa midig ku yaalla “waa qiyaastoo hal mayl [1.6km],” ayuu yiri isagoo ula jeeda saldhigga ciidamada cirka ee Joint Base Lewis-McChord.

“Aar ninyohow,” ayuu yiri Rich, “Kuwaasi waa i gubayaan haddaan isku dayo inaan halkaa ku dego. Waxaa la yaabaa in halkaa dhib iga qabsado mana doonayo sidaa. Waayo waxay ku hubaysan yihiin qoryaha lidka dayuuradaha“.

”Marka isku day inaad ku degto meel amaan ah.” ayaa waxaa ku yiri koontoroolkii hawada.

“Weli inaan soo dego diyaar uma ihi,” ayuu ku jawaabey Richard. “Waawareey! Waa inaanan eegin saacadda shidaalka, waayo dhaqse ayuu u dhamaanayaa.” ayuu ku qayliyay ninkii dayuuradda soo xaday.

Ninka ayaa laga dareemayay in waloow uu u muuqday nin is miidaaminayay uu misna ka walaacsanaa xabsi uu galo iyo cawaaqib kale oo uu mudan karo. “Tani dabcan waa xabsi daa’in. Sax? Saas ayay u tahay nin anigoo kale ah,” ayuu yiri.

Richard ayaa misna sheegay inuu dareemayo in matoor ka mid ah labada matoor ee dayuuraddu uu soo dhacayo “Malaha bannaanka ayuu u bixi rabaa.” Deeto taraafikadii dayuuradaha ayaa ugu jawaabey: “Haddaan karto, dayuuradda hoos u dhig oo ku sallax dhanka badda.”

Ninkan oo ay booliisku ku sheegeen 29-jir makaanin ahaa, ayaa misna sheegay inay jiraan dad badan oo aad uga welwelya oo jecel. “Way niyad jebinaysaa inay maqlaan inaan waxan oo dhan anigu sameeyay. Waan ka raalli gelinayaa kulligood. Waa uun nin jeeb maran, oo wax isku qasay baan qiyaasayaa, runtii ma ogayn hadda ka hor,” ayuu raaciyay.

Taliska cirka ee North American Aerospace Defense Command ayaa kiciyay 2 miig oo F-15, iyadoo ay dayuuraddu markii dambe dhacday, mana la sheegin wax toogasho ah oo ka timid dhanka dayuuradaha ciidamada cirka, waxayna booliisku xaqiijiyeen inuu dhintay ninkaa duulinayay dayuuradda oo kaligii saarnaa.

Hadalsame Media