Dekadda Muqdisho oo laga mamnuucay in gaadiidka si xad dhaaf ah loo raro.

0

(Mogadishu) 12 Agoosto 2018 – Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo milkiilayaasha gaadiidka xamuulka qaada ayaa maanta la kulmey Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay wehliyeen Taliyaasha Hoggaanka illaalada nabad gelyada wadooyinka kan Saldhiga Booliska Dekadda iyo Saraakiil kale.

Dhinacyadaan ayaa falanqeeyey caqabadaha iyo dhibaatooyin la xariira Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho oo dhibaatooyin aad u weyn ay ka dhashaan.

Gaadiidka xaamulka xambaara ayaa mararka qaar kood waxaa ka dhashay shilal naxdin leh oo qaar kood ay ka mid yihiin dhimasho iyo dhaawac markii gadiidkaasi ku rogmadaan Wadooyinka Caasimadda iyo goobaha ka baxsan.

Maxamed Xirsi Xaashi oo isagu kud hadlayey magaca Guddiga Ganacsatada iyo Gaadiidleyda ayaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya kaga mahad celiyey suurto gelinta in, in ka badan 27 sano kadib xilli habeen ah ay shaqeyso Dekeddu.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay taliyaha hoggaanka canshuuraha ee taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise oo sheegay in mamnuucey in Dekadda Muqdisho uu ka baxo daadiid rarkiisa xad dhaaf yahay.

Waxaa sidoo kale laga mamnuucey dekadda inay ka shaqeeyaan gaadiidka aadka u duqoobey ama burbursan oo waqtigoodu uu dhamaaday.

Hadalsame Media