MAGAALADII DOQOMADA: Sheeko lagu misaali karo siyaasadda Somalia

0

(Hadalsame) 11 Agoosto 2018 – Waxaa la yiri beri baa waxaa jiri jirtay magaalo ay ku noolaayeen dad doqomo ama nacasyo ah, waxaana magaaladaas ku dhex yaalley god weyn oo ay dad badan ku dheceen oo qaarna ku naf waayeen qaar kalena ay ku lafa waayeen ama ku dhaawacmeen waana ay dhibsadeen dadkii arrintaas oo waxay raadiyeen xalkii iyo qaabkii godkaan looga bad-baadin lahaa dadka.

Hadaba waxaa dhacday in ay iska dhex doorteen dadkii magaalada doqomada ku noolaa saddex nin oo ay islahaayeen waa idiinku wax garadsanyihiin oo idiinku caqli badanyihiin dabeedna saddexdii nin waxay soo dul istaageen godkii weynaa iyagoo ka tashanaya xallinta dhibkiisa.

Caaqilkii 1-aad ayaa waxuu yiri: Xalkuba waxa weeye inaan godkaan dad ilaaliya u keenno si qofkii ku dhaca ay deg deg Cusbitaalka u geeyaan.

Caaqilkii 2-aad: Maya waxaa fiican inaan godka hor istaajino ama taagno gaariga gurmadka deg dega si dhaawaca loogu qaado markii qof ku dhacana isla markiiba si ay Cusbitaalka u geyso.

Caaqilkii 3-aad: Maya anaa haya xalkii ugu fiicnaa oo waa inaan godkaan xabaalno kadibna mid isaga le’eg isbitaalka ka ag qodno.

Ujeeddada sheekadaan waxaan ula jeedaa dadka raadiya xallinta dhibaatada soomaaliya gaar ahaan siyaasiyiinta garashada liita ee madaxda ka ah soomaaliya sida sedexda nin ee doqomada ahaa oo kale ayey u fekeraan.

Xigasho: Cabdullaahi Nuur (Colombo)

Hadalsame Media