EL MUNDO DEPORTIVO: ”Real Madrid waxay la dagaallamaysaa ”Dugaagga Madoow!” + Halka aad ka daawan karto & Sawirro

0

(Madrid) 11 Agoosto 2018 – Warsidaha caanka ah ee reer Spain El Mundo Deportivo ayaa qoray sheeko uu cinwaan uga dhigay: “Xilli ay ku jirto casri ay kali talisnimo Yurub ku haysato, Real waxay wajahaysaa dugaagga madoow ee ay ugu neceb tahay”

Warqaadka El Mundo Deportivo, ayaa qoraalkiisa ku tixraacayay kulanka koobka Trofeo Bernabeu ee caawa dhexmaraya Real Madrid vs AC Milan oo ah labada kooxood ee Yurub ugu guulaha badan , iyadoo ay labada naadi iskugu dambaysay 2010 oo ay 2-2 ku kala bexeen CL.

Guud ahaan Real iyo Milan waxay kulmeen 15 jeer, min 6 jeer waa kala adkaadeen, halka 3 jeer ay barbarro galeen.

Waxaad ciyaartan ka daawan kartaa dhamaanba koontooyinka ay Real Madrid ku leedahay baraha bulshada, sida Facebook, Twitter iyo Youtube, sidoo kale Real Madrid TV, dhanka Talyaaniga waxaa soo daynaya Canale 5.

? ? Madrid ?? #RMACM #weareacmilan

Ett inlägg delat av AC Milan (@acmilan)

Warsidahan kasoo baxa jasiirad u ekaha Iberia ayaa xusay kulankii nus-dhamaadka Champions League oo labada koox dhex maray fasal-ciyaareedkii 88/89, markaasoo ay Milan 5-0 ku badisay, jeer uu daafaca Milan ka koobnaa Giovanni Galli; Mauro Tassoti, Franco Baresi, Alessandro Costacurta iyo Paolo Maldini; waana guuldarradii ugu cuslayd ee Real kasoo gaarta koobabka Yurub ilaa maanta la joogo.

Hadalsame Media