Sucuudiga oo sabab la’aan usoo celiyay xoolo ay Somalia u dhoofisey

0

(Boosaaso) 10 Agoosto 2018 – Caadiyan marka uu soo dhowaado mowsimka xajka, Soomaaliya waxaa laga dhoofiya xoolo aad u fara badan, kuwaasoo loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, sida ay sheegtay BBC.

Hase yeeshee laba maalmood ka hor, waxaa Sacuudiga laga soo celiyey markab siday xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay ilaa 30 kun oo neef, sida laga soo xigtay ganacsato Soomaali ah.

Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey ayaa la filayaa inuu ilaa Sabtida ku soo xirto dekadda Bossaaso.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ay Soomaaliya la safatay dalka Sacuudiga oo xurguf diblomaasiyadeed ay soo kala dhex gashay iyaga iyo Canada.

Hadalsame Media