Julian Draxler oo lala xiriirinayo AC Milan (Heshiisku miyuu dhow yahay?)

0

(Milano) 10 Agoosto 2018 – Waa arrin gebi ahaanba isku cakiran, balse saacadihii ugu dambeeyay waxaa soo baxaya warar sheegaya in Julian Draxler uu Milan imanayo.

Sida ku qoran Sportmediaset, magaca Julian Draxler ayaa lala xiriirinayaa AC Milan, wuxuuna webku sheegayaa in ay labada dhinac – laacibka iyo Milan – ay xitaa ka wada hadleen inuu laacibku caafimaadka ku maro Jarmanka.

Yeelkeede, arrintu ma sahlana marka la eego Rossoneri iyo PSG oo aan waxba weli ku heshiinin, isla markaana aysan sahlanayn inay gaaraan, waxaana sababaha heshiis la gaaro cakiraya ka mid ah PSG oo doonaysa Ricardo Rodriguez, oo isna diiddan inuu ka tago kooxda Milan iyo Milan lafteeda oo aan qorshe noocaas ah ku qanacsanayn, waayo haddii uu tago Antonelli oo socda, RR iyo Strinic ayaa u haraya dadabka bidix.

Hadalsame Media