HESHIIS DHACAY: Inter Milan oo la sheegayo inay gacanta ku dhigtay Keita Balde (Goorma ayuu imanayaa?)

0

(Milano) 10 Agoosto 2018 – Keita Balde ayaa qarka u saaran inuu noqdo laacib ka tirsan Inter Milan, iyadoo haatan ay tafaasiil yari ka harsan tahay heshiiska uu ku imanayo San Siro, sida uu sheegayo Sky.

Laacibka reer Senegal ayaa Monaco uga imanaya amaah sharafeed ay ku baxayso 5-6 milyan oo euro, waxaana la socda qaaciddo ay Inter sanadka dambe ugu iibsan karto 30 milyan oo euro.

Garab-weerarkan Senegalese-ka ah, ayaan loogu yeerin kulan-bilowga ay kooxdiisu Ligue 1 ku wajahayso kooxda Cadaan-Casaanleeyda Nantes, waxaana Talyaaniga laga sugayaa Isniinta, isagoo sida ay wararku sheegayaan saxiixi doono qandaraas 5 sano ah oo kala ah 1-4 haddii ay lacalla Inter wada iibsato.

Hadalsame Media