UNESCO oo moowqif la yaab leh ka qaadatay diinta ISLAAMKA! + Sawirro

0

(New York) 08 Agoosto 2018 – War cajiib ah ayaa waxaa uu kasoo baxay Hay’adda Dhaqanka iyo Tacliinta ugu qaybsan QM ee UNESCO, kaasoo ay ku sheegayso in Islaamku yahay diinta ugu nabdoon caalamka.

War UNESCO oo xitaa soo saartay shahaado ay arrintaa ku caddaynayso ayaa aamusin doona dacaayaadka ay Galbeedku faafiyaan oo ah inay diinta Islaamku tahay diin ku dhisan ”khasab, qahar iyo argagisixannimo”.

UNESCO ayaa sheegtay in iyadoo kaashanaysa hay’ado kale oo caalami ah, sida  International Peace Foundation, ay muddo 6 bilood ah cilmi baaris qoto dheer ku waddey diimaha dunida ka jira oo dhan, taasoo ay kasoo baxday in diinta Islaamku yahay midda ugu nabdoon caalamka.

“Kaddib 6 bilood oo baaritaan qoto dheer iyo lafa gur ah, Islaamku waa diinta ugu nabdoon caalamka,” ayuu yiri Robert McGee, oo ah madaxa isbarbardhigga diimaha ee International Peace Foundation oo shir jaraa’id la qabtay UNESCO.

Mar ay warfidiyeenku waydiiyeen waxa laga yeelayo qaraxyada ka dhaca dalal badan oo ku yaalla dunida Islaamka, waxay sheegeen in qof naftiisa halligayaa si uu u laayo dad aan waxba galabsanin, uusan wax xiriir ah la lahayn diinta Islaamka oo arrintaa aad uga horjeedda.

Mandatory Credit: Photo by Christophe Petit Tesson/Epa/REX/Shutterstock (8452196a)
View of the Unesco’s Great Conference Room During the 38th Session of the United Nations Educational Scientific and Cultural Organization (unesco) General Conference at the Unesco Headquarters in Paris France 09 November 2015 the 38th Session of the Unesco General Conference Runs From 03 to 18 November 2015 France Paris
France Unesco Bolivia – Nov 2015

Hadalsame Media