Boris Johnson oo qarka u saaran in laga eryo xisbigiisa kaddib aflagaadadii uu u gaystay haweenka Muslimiinta

0

Xoghayahii hore ee umuuraha dibada Britian Boris Johnson ayaa waxaa dul hoganaya mushkilado iyo eeden kulul oo ka dhalaty hadal uu ka yiri burqada iyo indho shareerka.

Hoggaamiyeyaasha Golaha Muslimka britian iyo xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative ayaa ugu baaqay Mrs May in ay xisbiga ka ceyriso Boris

Madaxa fulinta ee xisbiga ayaa isna sidoo kale ugu baaqay Boris Johnson in uu raali galin bixiyo.

Boris ayaa dumarka xijaabka xiran ku tilmaamay sida letter box taas oo ah bir qafilan oo leh duleel warqadaha lagu rido

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay in dumarkaasi ay u egyihiin burcadda bangiyada dhacda.

Xildhibaannada qaar ayaa ku baaqay in Boris loo gudbiyo gudiga xuquuqda iyo sinaashaha ee baarlamaanka Britian si talaabo looga qaado.

Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media