DAAWO: Kaneecada oo la caddeeyay inay dadka kala ”JECESHAHAY” + Sababta (Dadka ay ka hesho waxaa ka mid ah haweenka uurka leh)

0

(Hadalsame) 07 Agoosto 2018 – Waxaa la sheegayaa in dabiiciyan ay dadku soo kala jiidan ogyihiin kaneecada, iyadoo ay ugu wacan tahay qaabka uu jirkaasi u shaqeeyo, hormoonnada ku badan, kiimikaadka iyo macaadinta ku badan dhididkiisa iwm.

10-kii qofa 1 ka mid ah ayaa aad usoo jiita kaneecada, iyadoo 20% dadka ka mid ah aysan kaneecadu iska celin inay qaniinto, kaneecada ayaa gaar ahaan aad uga hesha dadka sii daayaa kaarboon fara badan, marka ay neefsanayaan. Sida dadka buurbuuran ama haweenka uurka leh.

Kaneecada ayaa leh awood dabiici ah oo ay Kaarboon laba Ogsaydhka ku dareemi karto iyadoo u jirta 50 mitir ama 164 cagood, waxay sidoo kale jeceshahay dadka dhiiggoodu yahay nooca 0, kuwaasoo laba jeer kasoo jiidasho badan marka loo eego A iyo B.

Marka nooca dhiigga laga soo tago, 85% dadku waxay soo daayaan ishaaro kiimikaad sheegaysa nooca uu yahay dhiiggiisu, tusaale ahaan, kaneecadu waxay urin kartaa aysiidhada Lactic iyo Uric Acid ee dhididka la socda.

Halkan hoose ka DAAWO muuqaalka.

Hadalsame Media