TOOS u daawo: Soo bandhigidda Paolo Maldini oo Milan kusoo noqday kaddib 9 sano – LIVE

0

(Milano) 06 Agoosto 2018 – Kooxda AC Milan ayaa ku dhawaaqday in uu soo laabtay Paolo Maldini oo noqonaya Agaasimaha cusub ee Horumarinta Istaraatijiga ah ee Dhinaca Isboortiga kooxdaasi, waxaana goobjoog ah Gordon Singer oo uu dhalay milkiilaha Elliott Management oo iminka Milan maamusha.

Iyada oo Ingiriisi ah ka daawo YOUTUBE

Paolo oo ah halyeey nool oo baal dahab ah uga jira sooyaalka Rossoneri, weliba maalmihii qurxoonaa ayaa kooxda kusoo kordhinaya khibrad, hoggaan, daacadnimo iyo han guuleed. Maldini  ayaa Milan u saftay 901 kulan min 1984 ilaa 2008, isagoo la hantay 7 Scudetti iyo 5 CL, halka uu 127 jeer u saftay xulka Talyaaniga.

Maldini ayaa waxaa goor dhow lagusoo bandhigayaa Casa Milan: saacaddu marka ay tahay 16:30 oo laga daawan karo “Milan TV“, toosna loogala socon doono Facebook (luuqadda Talyaaniga), iyo Youtube (luuqadda Ingiriisiga).

Iyada oo Talyaani ah ka daawo FACEBOOK

Hadalsame Media