DHEGEYSO: Ganacsato dalbatay in la badbaadiyo naftooda + Sababta

0

(Muqdisho) 06 Luulyo 2018 – Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka dalbatay iney badbaadiso nafta iyo hantida ganacsata Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in xilligaan ay jirto Qatar badan.

Xoghayaha rugtan ahna guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta wuxuu ugu horreyn kaga hadlay dil Muqdisho loogu geystay ganacsade Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay ka rug ahaan iney aad uga xunyihiin wiilka dhallinyarada ah ee hammiga lahaa in la dilo iyadoo aanay jirin cid uu wax ka galabsaday.

Sidookale, waxa uu tilmaamay in dowladda mas’uuliyad weyn ka saaran tahay iney la socoto amniga ganacsatada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Hadalsame Media