BAYLOOTKII BUUG 1: In diyaaradda la kiciyo waxaa ka mudan in hadhoow la dejin karo!!

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2018 – Wiil ka shaqeeya Nadaafadda Dayaaradaha, ayaa kusiga duuliyaha hoostiisa Ku arkay, Book cinwaankiisu yahay ( Barashada duuliyanimada).

Waxaa uu ku fadhiisatay kursigii duuliyaha, waxa uuna la soo baxay Buuggii.

Bogga 1-aad. Waxaa Ku qoran si aad u kiciso dayaarada Riix Botonka cagaaran.waa riixyay waxaa dhaqaaqay engine-kii (matoorkii) diyaaradda. Waxaa hoos ku qoran fiiri buugga 2-aad.

Bogga 2-aad. Waxaa ku qoran si dayaaraddu ugu cararto waddada (run way-ga), Riix botonka jaalaha ah, waa riixyay dayaaradii wadaddii ayeey Ku carartay. Hoos waxaa Ku qoran fiiri Bogga 3-aad.

Bogga 3-aad. Waxaa ku qoran si dayaaraddu hawada u gasho riix botonka gaduudan, Waa riixay dayaaraddii howada ayey gashay,aad ayuu u farxay, 30 daqiiqo kadib ayuu damcay in uu dajiyo. Hoos waxaa Ku qoran fiiri Booga 4aad.

Bogga 4-aad. waxaa Ku qoran, sii aad u dejiso diyaaradda soo iibso Book 2 waxaa laga helaa dukaanka “Duuliye book shop” oo Ku dhaxyaal Airportka.

Wiilkii maanta ayaa la soo aasay AUN.

Ar siyaasadda Soomaalida, ciyaalka siyaasida book one aqristay ……Mar uun xil ii dhiib, siduu u dajin doonaa……? Ma ogi.

Qore: Yaxye Caamir

FG: Qoraal kasta wuxuu xambaarsan yahay aragtida qoraaga ku saxiixan.

Hadalsame Media