Hanti dhowrka qaranka oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo musuq lagu tuhunsan yahay ishana lagu hayo

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo ah Hanti dhowraha Qaranka ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan u axsaan fali doonin kuwa ku shaqeysta musuqa, islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan iyagoo sharciga la maraya.

Waxa uu Hanti dhowraha sheegay inay jiraan shaqsiyaad badan oo isha lagu hayo kuwaa oo hadii ay kusoo cadaato kiisaska baaritaankooda ay muteysan doonaan xarig.

Waxa uu tilmaamay in arrin adag ay tahay in indhaha laga qabsado ficilada kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay musuqa Hanti Qaran waxa uuna ku goodiyay in sharciga uu noqon doono mid ku xoogeysta dalka.

Hanti dhowre Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye), ayaa tilmaamay in Qaranimada Somalia ay tahay mid ku jirta in la kala saaro kuwa musuqa caadeystay iyo kuwa wanaagsan, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga hortago cid waliba oo halis ku ah Qaranka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay inaan lagu khaldami doonin cid aan waxba galabsan, hase yeeshee qofkii loo xira musuq ay micnuhu tahay inaan loo weyn cadeen.

Hadalsame Media