DEG DEG: Dibadbax looga soo horjeedo dilalka dhalinyarada oo ka socda Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 05 Luulyo 2018 – Waxaa goordhaw muqdisho ka bilaawday dibad bax looga soo horjeedo dilalka dhaliyarada , kaasoo ay kasoo qeyb galeen madax ka socota degmooyinka qaar ee gobolka banaadir, ururada dhalin yarada iyo ardayda jaamacadaha dalka.

Dibad baxayaasha ayaa wata boorar uu ku sawiran yahay Maxamed ,oo ahaa wiil dhalin yaro ooh al abuure ganacsi ahaa kaasoo dhawaan kooxo hubeysan ay ku toogteen muqdisho gaar ahaan isgoyska banaadir.

Dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinayey,waxaan u bahanahy in la joojiyo dilalka dhalinyarada, waxaan u bahanahy in lala xisaabtamo dadka dilay maxamed iyo inta kale ee lamidka ah.

Labadii isbuuc ee lasoo dhaafay waxaa caasimadda ka dhacay dhowr dil oo qorsheesan kaasoo uu ugu dambeeyey askari katirsan dowladda oo lagu dilay isagoo kasoo baxay masaajid.

Hadalsame Media