Aad bay u da’ yar tahay misna xabsi daa’in ayaa lagu xukumay! (Sababtu maxay tahay?)

0

(London) 03 Agoosto 2018  Maxkamad ku taala dalka Ingiriiska, ayaa maanta xabsi daa’in ku xukuntay Safa Boular oo ah gabar ka tirsan kooxda Daacish oo dooneeysay ineey qarxiso madxaf ku yaalla London.

Gabadhan oo ah gabadhii ugu da’da darayd taariikhda dalkaasi oo xabsi daa’in lugu xukumo iyadoo ay da’deedu tahay 18 jir.

Bishii Maajo ee sanadkii hore ayey Safa maxkamada ka qirtay ineey dooneeysay ineey aad Suuriya islamarkaasina guursato nin lugu magacaabo Nawid Xuseen oo ay labbo sanno ka hor ka baratay barta internet-ka.

Hase ahaatee Xuseen ayaa lugu dilay dilay gudaha Suuriya, waxaana  ay Safa biloowday markaa kaddib ineey sameeyso qorsheyaal ficliyan u socon waayey oo ah ineey qaraxyo ka geeysato goobaha caamka ah ee dalkaasi gaar ahaan Madxafka weyn ee London.

Dhinaca kale Safa ayaa maxkamada horteeda ka qiratay in walaasheed iyo hooyadeed ay gacan ku siinayeen siddii loo fulin lahaa howlgalka ay doonayeen ineey ku galaaftaan nolosha dad badan.

Hadalsame Media