Somalia sidee noqon kartaa sanadka 2050?

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2018 – Sanadka waa 2050-ka, Muqdisho waa mid ka mid ah caasimadaha caalamka ugu quruxda badan, waxaa jirta malaayiin usoo dalxiista tagta sanad weliba. Waa magaalo aad loogu ilaalshay wasaqawga hawada, nadaafadeed iyo dhaldhalaalkeeda ayaa ah mid aad la indho daraan-dareyso. Magaalada waxaa buux dhaafiyay xoogsato ka soo shaqo tegtay Eeshiyada fog iyo carbaha aan walaalanahay, waxaase ka marneen kuwa afrikada madow ah, waa magaalo ay ku wada dhan yihiin intuu khalqi Eebe abuuray.

Waxay kaalmaha koowaad ay kaga jirtaa caasimadaha loo badinayo in ay ku guuleystaan marti-gelinta koobka adduunka ee 2052-da. Waxaa joogta ugu dhaca bandhigyada waa weyn ee shirkadaha.

Waxaa jiro dareen uu qabo qof waliba oo Soomaali ah kaasoo ah in ay midoobaan 4-ta dal ee saliida hodanka ku ah ay Soomaalida u kala qaybsantay.

Wadanka Soomaali Galbeed oo xoriyadiisa qaatay 2025-ka horayna ugu tirsanaan jiray dal weynihii la oran jiray Ethiopia ee burburay, ayay ka imaaneysaa fariimaha ugu badan ee xambaarsan in dib loo unko dalweynaha Soomaaliya.

Waxaa jiro Djibouti iyo dalka dhawaan xoriyadiisa ka qaatay Kenya ee NFD in ay si sharuud la’aan ah ay diyaar ugu yihiinka ka mid noqoshada dalweynaha Soomaaliya, waxaa loo ballansan yahay 2051-ka in afti dadweyne loo qaado midowga dalalkaan barwaaqo sooranka ah iyagoo qubarada wax adurusta ay sheegayaan in ay natiijada 90% haa ay noqon doonto.

Hargeysa waxay muddo 20 sano ah midow la tahay Muqdisho kadib markii ay ka maqneyd 30-meeyo sanadood oo ay ictiraaf doon aheyd.

Hargeysa waa halka ay ku yaallaan xarumaha dowladda iyo safaaradaha shisheeye waxayna muddo 5 sano ah si xariir ay kaga jirtaa kaalinta koowaad magaalada ugu amniga badan caalamka.

Waxaa ku riyooday: Yuusuf Amiin Saciid

Hadalsame Media