Ciidanka loo yaqaan Battle Group XXV oo loosoo daabulay Muqdisho

0

(Muqdisho) 31 Luulyo 2018 – Tiro dheeraad ah oo ka tirsan Ciidamada Uganda gaar ahaan kooxda loo yaqaano “Battle Group XXV”, oo tiro ahaan garaya 10,000 askari ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa badalay ciidamo kale oo 1,000 oo ay hoggaaminayeen Col. Paul Muwanguzi iyo Lt. Col. CK Asiimwe, ciidamadan ayaa ka howl-geli jiray shabeellada hoose.

Brig. Paul Lokech, oo ka hadlayey xafladda sagootinta ayaa sheegay inay ciidamada baxaya muujiyeen geesinnimo, laga dagaleen Al-shabaab Celjaale, Ayub, KM50, KM67, Buffor, Shalambood, Marka, Masla iyo Quoryoley.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya ilaa 6 Kun kuwaas oo joogay tan iyo 2007dii, waxaa lagu wadaa inay bixitaan bilaabaan 2019-ka.

Hadalsame Media