SAWIRRO: Ma taqaannaa guriga dunida ugu qaalisan (Halkee ku yaallaa yaase iska leh?)

0

(Mumbai) 30 Luulyo 2018 – Waloow aan wax badan laga ogayn, guriga dunida ugu qaalisan, oo lagu magacaabo Antilia, wuxuu ku yaallaa magaalada Mumbai ee dalkaasi Hindiya, waxaana iska leh taajirka bilyineerka ah ee Mukesh Ambani.

Antilia, ayaa loogu magac daray jasiiradda “Antilia” ee dhacda badda Atlantic Ocean, waana guri 27-dabaq ah, wuxuuna ku fadhiyaa 400,000-cagood oo laba jibbaaran.

Gurigan ayaa lagu qiimeeyaa $1 bilyan oo doollar, waxaana lagu tilmaamaa guriga ugu qaalisan dunida oo idil marka la eego guryaha degaanka ah, waxaana ninka iska leh ee Mukesh Ambani, uu yahay ninka Hindiya ugu taajirsan, isagoo guddoomiye ka ah Reliance Industries isla markaana haysta adduun dhan $22.3 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media