“Qaado adigaa iiga baahi badane” – Qiso mudan in la aqriyo

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2018 – Mustafa Saadiq Ar-raafiqi suugaanyahankii carbeed ayaa waxuu ku qoray kitaabkiisa la yiraahdo Waxyul-Qalam qiso aad iyo aad u cajiiba, waxaana ka sheekeeyey Taabicigii Axmed ibnu Miskiin oo noolaa qarnigii labaad ee hijrada.

Axmed ibnu Miskiin wuxuu ku noolaa Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq kadibna wuxuu usoo safray Dhulka Khuraasaan oo caasimadoodu ahayd magaalada Balakh, kadibna wuxuu yimid Masaajidka oo wadaadkii dadka wacdinayey uu maqanyahay kadibna nin la yiraahdo Abuturaan ayaa istaagay oo yiri waxa inala jooga nin ka yimid Baqdaad oo arday u ahaa Imaamkii Ahlusunnah Imaam Axmed ibnu Xanbal iyo imaamkii Bishra Al-xaafi, dabadeedna dadkii ayaa qoortooda taagay ayagoo isoo fiirinaya ama eegaya dhahayana; mee ninka reer Baqdaad ee la kulmay Axmed ibnu Xanbal.

Axmed ibnu Miskiin wuxuu yiri: Waan istaagay markaasaan uga warramay qiso igu dhacday dhawr iyo toban sano kahor anigoo Ciraaq jooga.

Wuxuu yiri: Anigoo jooga Ciraaq ayaa waxa i asiibay faqri iyo baahi aad u daran kadibna waxaan waayey waxaan ku quudiyo reerkayga iyo caruurtayda, markaan nafta u yaabay ayaan qabtay Masaajidka goor habeen ah oo waxaan baryey Allah subxaanahu watacaalaa inuu iga dul qaado faqriga iyo baahida.

Dabadeed subaxii ayaan soo toosay aniguu ku wajahan suuqa si aan u iibiyo gurigayga kadibna anigoo jidka haya ayaa waxa iga hor yimid nin aanu saaxiibo ahayn oo la yiraahdo Abunasri Assayaad, markaasaan ka codsaday inuu ii raadiyo cid guriga iga iibsata? wuxuu yiri: maxaa kugu kallifay inaad iibiso gurigaaga?

“Waxaan u sheegay wax aan cuno aniga iyo reerkaygii ma jiro aan ahayn inaan iibino guriga, illamaa iyo shalayna ilmahaygii iyo xaaskeyga wax cunto ah afkooda maysan galin!! Abunasri ayaa yiri: waxaad qaadaa labadan xabo ee rootida ah oo ay ku dhex jirto xalwad ama macmaan, waxaana la socoto barakadii Shiikha!! Axmed ibnu Miskiin wuxuu yiri: Waa maxay barakada Shiikhan?

Wuxuu yiri maalintii Shalay ayaa waxaa i hayasay duruufta maanta ku haysa oo kale, waxaana ahay kalluumayste, mudo dhan hal todobaadna waxa kalluun baddaba waan ka waayey kadibna anigoo yaaban ayaan salaadii Jimce ku tukaday masaajidka, markaasaan iska fadhiistay masjidka halka dadkii uu mid walba dantiisii uu qabsaday, kadibna waxa i arkay wadaadkii Bishra Alxaafii oo igu yiri: Maxaa kaligaa ku fadhiisiyey Masaajidka? Waxaanan iri: Baahi iyo gaajo awgeed ayaan meeshan la fadhiyaa!!

Wadaadkii Bishra Alxaafi ayaa igu dhahay: Ina mari oo soona qaado shabaagta aad ku kalluumaysato, kadibna waan soo baxnay oo waxaa nimid xeebtii kolkaas buu tukaday laba rakcadood oo Ilaahayna baryey oo dhahay: Ilaahayoow, na arsaaq!! Kadibna wuxuu igu yiri: qaad shabaqaaga oo kalluumayso.

Abunasri wuxuu yiri: mudo yar kadib waxaa shabagii soo galay kalluun wayn oo aanan hore u kalluumaysanba, subxaanAllah, kadibna intaan dhabarka saartay ayaan suuqa la aaday, intaan jidka kusii jirayba waxa iga hor yimid nin iga baayaca kalluunka markaasuu dhahay: intaad iga siinaysaa? waxaan ku dhahay qiimo aad u sarreeya, kadibna igulamaba uu gorgortamina waa iga iibsaday kalluunkii.

Dabadeedna aniga oo faraxsan ayaan tagay suuqa oo aan soo gatay cunto una keenay reerkaygii, kadibna waxay reerkii karsadeen Khubus/Rooti dhexdana lagaga daray waxooga xalwad ah ama macmacaan ah markay ka dhargeen ayaa baaqigii soo haray ayaan doonay inaan u hadiyadeeyo wadaadkii Imaam Bishra Al-xaafii, kolkaan albaabka gurigiisa soo galay ee aan gudoon siiyey hadyadii ayuu igu dhahay: ma qaadanayo ee reerkaagii ku celi adigaa iga baahi badane sidoo kalena ducadii aan kuu duceeyey wax kharash ah kuma qaadanayo, markuu shiikhii diiday hadyadii waadigan adigu iga hor yimid ee qaad oo u gee reerkaaga.

Axmed ibnu Miskiin waa soo qaatay labadii xabo ee Rootiga ahaa kadibna isagoo jidka sii socda ayaa waxa kahor timid gabar wadata ilmo yar, waxayna ku tiri: war ninyow islaameed wiilkaygan yar waa agoon waanu gaajoonayaa ee wuxuu cuno sii, subxaanAllah ninkii Axmed ibnu Miskiin oo isaguba baahi ay hayso ogaana wuxuu gurigiisa uu kaga yimid ayaa naftiisii iyo reerkiisii ka hor mariyey ilmihii yaraa markaasuu siiyey rootidi, kadibna gabadhii ilmaha dhashay ayaa farxad darteed oyday, ilmihii yaraana waa qoslay oo cuntuu helay.

Axmed ibnu Miskiin wuxuu iska fadhiistay gurigiisa hortiisa, kadibna wuxuu maqlay cod dhawaaqaayaa oo leh; mee Axmed ibnu Miskiin? markaasu sara joogsaday mise waa saaxiibkii Abunasri Assayaad, wuxuuna ku dhahay: Ma cid guriga iibsata ayaad iisoo heshay? Abunasri wuxuu dhahay: Maya ee anigoo suuqa jooga ayaa waxa ila kulmay nin raadinaya aabahaa Miskiin Al-basri markaasaan dhahay: Ninkaas waa aqaanay laakiin wuu geeriyooday, waxaana magaalada jooga nin uu dhalay oo la yiraahdo Axmed ibnu Miskiin, ninkii wuxuu yiri:

“Waxaan ka imid dhulka Khuraasaan, waxaanan mudo kahor ninka Miskiin Al-basri ka daynsaday xoolo kadibna waan safray waxaanan aaday Khuraasaan, waxaana haleeli kari waayey inaan xoolihiisii u celiyo kadibna intaan xoolihiisii gooni u saaray ayaan ka baayacmushtareeyey haatana xoolaha safarkan oo dhan ee xiran isagaa iska leh, ee u gee xoolahan wiilkiisa Axmed ibnu Miskiin.

Axmed ibnu Miskiin ayaa waxa mar kaliya u yimid geel badan oo midkastaba xoolo dhamaanteed ay saaran yihiin, subxaanAllah kadibna wuxuu Axmed ibnu Miskiin noqday ninkii ugu maalqabeensanaa magaaladaba. Ilaahaybaa u nicmeyey ninkii oo faqrigii waa ka baxay, xaaskiisii iyo ilmihiisiina dhar qurxoon iyo cunto kamabaysan wel waleyn.

Dulucdu waxa ay tahay dunidu waa imtixaan waxaana muhiim ah in samirka la kaashado mar kastana Alle ku kalsoonow dhib kasta oo ku haaya isagaa kaa dulqaadi kara ee bari oo ha kaa dalin oo talo saaro, sadaqada iyo caawinta dadka masaakiinta ahna ku dadaal.

Xigasho: Cabdullahi Colombo

Hadalsame Media