”Maxaad diin na bartaan idinkaaba ka tegey e” – Maxaa kala qabsay Dr Cabbeey & Ina Saayid

0

(Abuu Dabeey) 30 Luulyo 2018 – Amiirka leh dhaxalka taajka Abu Dhabi, Mohammed bin Zayed, ayaa waxaa xaaladda ku adkeeyay RW Itoobiya Dr Abiy Ahmed Ali markii ay uu lasoo qaaday in machad Islaam ah laga dhiso magaalada Addis Ababa.

Cabbeey Axmed ayaa arrintan uga hadlay mar uu Bulshada Itoobiya kula kulmay munaasabad uu qaban qaabiyay ururka Badr Ethiopia Organization oo saldhigya Virginia, USA, sida uu sheegay Gayfane Itoobiyaan ah oo shirkaa ka qayb galay oo u warramay Al-Khaleej Online.

Waxayna sheekada dhexmartay Cabbeey iyo wiilka is mahadiyay ee Ibn Saayid ka Imaaraadka oo la waydiistey waxa ay la qaban karaan Itoobiya, waxayna u dhacday sidatan hoose:

Cabbeey: Mudane, wax aan ku talo jiraa in aan dalkayga ka dhiso maxad culuunta Islaamka la gu barto ee maxaad na tari kartaan?

Ina Saayid: Wax walba waannu idiin la garab taagan nahay oo tacliin baannu idin bari doonnaa?

Cabbeey: Laakiin dadkiinna Gacanka Carabta oo dhan haddii la isu kiin wada daro aad baad u ga tiro yar tihiin muslinka Itoobbiya.

Ina Saayid: Oo tirada maxaad ku keentay?

Cabbeey: Sababta oo ah Islaamku wax uu rumaysan yahay tirada midaysani in ay tahay asalka xoogga.

Ina Saayid: Hiiiii…

Cabbeey: U ma baahnin in aad Diinta Islaamka na bartaan waayo idinkuba waad ka tagteen, wax aannu se u baahan nahay in aad Af Carbeedka na bartaan si aannu diinta si hagaagsan u gu baranno dabadeed idinkana dib idiinku soo celinno.

Hadalsame Media