DHACDO UGUB AH: Indhaha ayay ka tuureen, balse waxaa ugu daran qiilka & qofka sidaa yeelay (Qiso qamuunyo badan)

0

(Nasirabad) 30 Luulyo 2018 – Wiil dhallinyaro ah ayaa la sheegayaa in indhaha laga soo bixiyay, isagoo haatan isbitaal yaalla isagoo gebi ahaanba indhool ah, kaddib markii uu ku adkaystay inuu guursanayo gabar aanayn reerkiisu la doonaynin oo uu jeclaa.

Wiilkan oo ah 22-jir lagu magacaabo Abdul Baqi oo ku noolaa tuulada Nasirabad ee ka tirsan Baluchistan, Pakistan ayaa reerkiisa ka codsaday inay u doonaan gabar uu jecel yahay.

Qoyskiisa oo aan arrintaa la dhicin, ayaa is jiid jiid dheer kaddib waxaa la sheegayaa inay qol la tageen wiilka, waxaana sheekada fuliyay 4 wiil oo isaga la dhalatay iyo aabihi oo 70-jir ah, halka ay inta kale maqnaayeen, hooyadiina qol lagusoo xirey.

Baaqi ayaa deeto loo dhigay isbitaalka takhasugiga ah ee Jinnah Medical Centre ee magaalada wayn ee Karachi isagoo yiri: “Aabahay ayaa markii hore fikradda la cabsiiyay, deeto 3 saacadood kaddib 4 ila dhalatay ayaa qol ila gashay waxayna QAADDO iiga bixiyeen indhha.”

Kaaga sii darane wiilka ayaa markii isha koowaad laga soo saaray isagoo xanuun la cabaaday codsaday in la daayo, balse kama yeelin, iyadoo la sheegay in odayga qabiidka ihi uu xididadii isha middidiisa ku jaray, taasoo si kama dambayn ah indhool uga dhigtay Baaqi.

Hadalsame Media