DAAWO: Waxaa ku dhacday 27 xabadood iyo firir bambo balse kaddib waxa dhacay rumaysan maysid?!!

0

(Dallas) 30 Luulyo 2018 – Askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee US Navy Seal ayay ku dheceen 27 xabadood, weliba xabado afsaar ahaa, waxaa kaloo lagu soo tuuray bambo garnayl ah oo ku dhacday meel 10 cagood u jirta oo uu firirkeedii la suuxay, yeelkeede, wuu soo baraarugey in yar kaddib, isagoo sida la yiri diley nimankii soo weeraray, kaddibma lugihiisa ku doontay dayuurad kuwa qumaatiga u kaca ah oo badbaadasiisa u timid, haatanna wuxuu qoyskiisa kula nool yahay Maraykanka.

Waxay ku beegnayd 6-dii Abriil, 2007, waana gobolka Anbar ee dalka Ciraaq, Mike Day waxaa sida la sheegay soo weeraray 4 nin oo aad u hubaysnayd oo Al Qaacida ah, xilli ay howlgal ku jireen.

Waxaana Day ku dhacday 27 xabadood, waloow 11 ka mid ah ay ka difaacdey jaakadda rasaas celiska ah ee uu xirnaa, halka 16 kale ay jirkiisa u gudbeen, taasoo gaarsiisay dhaawacyo halis ah.

“Dadku marka ay sheekadayda maqlaan ma rumaystaan. Aniga laftayda oo ay igu dhacday ayaan aaminsanayn. Waxaa la iga toogtey labada lugood, labada gacmood, ubucda. Meel kasta oo aan madaxa ahayn xabad baa iiga dhacday.” ayuu yiri Day.

Day ayaa sheegay inuu maalintaa yiri “Alloow, gurigaygii iyo gabdhahaygii ii gee,” xilli uu miisaanku kasii lumayay oo ay xabaduhu sidii roob ugu da’ayeen.

Day ayaa kaddib dawayn iyo daryeel muddo dheer qaatay oo xubnihiisa lagu laylinayay dhaawacaa kasoo kabtay isagoo haatan qoyskiisa la nool, waxaana la guddoonsiiyay billadaha Silver & Bronze Stars iyo sidoo kale abaalmarinta Purple Heart oo lagu siiyay wax lagu sheegay geesinnimadiisa.

Hadalsame Media