Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday qorshe lagu tayaynayo waxbarashada dalka + Sawirro

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2018 – Wasiirka Qorsheynta xukumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo qudbad ka jeedinayay shir hada ka socdo Muqdisho oo looga hadlayo waxbarashada iyo tayaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirk ayaa ka hadlay tirakoob ay arrintan ka sameeyeeen isagoo yiri: ”baaritaan ay sameysay wasaaradda qorsheynta waxaalagu ogaaday in 40% oo kaliya ay dadka Soomaaliyed ay wax qori kara, waxaana wax aqrin kara 20% oo kaliya.

”Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee gaaray heerka waxbarashada Jaamacadda 90% dadka Soomaaliyed waxay fursad u heli karan in ay wax bartaan, sidaas darteed 2020 qorshaha qaranka waxaa ku jira in tirada dadka soomaaliyed ee wax qori kara waxna aqrin kara la gaarsiiyo halka ugu sareysa” ayuu yiri wasiir Jamaal.

Hannaanka waxbarashada Somalia ayaa u baahan dib u habayn iyo dib u eegis heer qaran ah, si loo kordhiyo tayada waxbarashada dalka oo aad u liidata.

Hadalsame Media