Siyaasi Soomaaliyeed oo guri qurux badan ka jeexday Dubai (Dood ku saabsan lacagta lagu dhisay)

0

(Dubai) 23 Luulyo 2018 – Waxaa siyaasadda Afrika caan ka ah in siyaasigu ka hodmo hantida umadda kaddibna iska boxo iyadoo aan cidina is waydiinin halka uu hantidaa ka helay, tiiyoo uusan markii hore walba ahayn qof hanti buuran haystey.

Sida uu qorayo somalilandsun, waxaa lasoo helay sawir uu sheegay inuu yahay Villa uu Xeebta Jumaira ee magaalada Dubai ka dhistay madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Gurigan oo ku kacay $14 milyan oo doollar ayaa ka kooban 7 qol oo jiif ah, 4 qol oo fadhi ah, 2 jiko + 2 qubays oo ah nooca uumiga & Sauna-ha leh iyo berked wayn oo nooca dabaasha ah.

Waxay dad badani is waydiinayaan halka ay ka timid lacagtaasi, maadaama madaxda dunida mushahar go’an uun laga siiyo xilka uu umadda u hayo.

Hadalsame Media