DAAWO: Muxuu Ruushku ka damacsan yahay HAWADA SARE? (Qorshe cusub)

0

(Moscow) 23 Luulyo 2018 – Ruushka ayaa bilaabay howl culus oo uu uga shaqaynayo gantaalka Soyuz-5, kaasoo lagu wado inuu qaado canaab badan si uu sahan ugu sameeyo hawada sare, sida ay sheegtay Roscosmos oo Ruushka u qaabilsan duullimaadyada hawada sare. DAAWO:

Cilmi baarista iyo dhismaha barnaamijkan oo ay ka qayb gelayaan dhowr hay’adood oo hoos taga dowladda Ruushanka ayaa lagu hormarinayaa mashruuc la yiraahdo Soyuz-5 project, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Roscosmos Md Dmitry Rogozin oo adeegsanaya Twitter-ka, isagoo sheegay inay isu gaynayaan dhamaanba aqoontooda ku aaddan hawada sare, ay cusboonaysiinayaan kaddibna hormarinayaan.


Duullimaadka ugu horreeysa ee markabka Soyuz-5 oo ay sidaan dhowr gantaal oo ka tillaabinaya lakabyada hawadan caadiga ah ayaa dhici doona 2022, iyadoo sambalkii ugu horreeyay lagusoo bandhigay Carwada Caalamiga ah ee Hawada Sare ee MAKS International Aviation and Space Show oo qabsoontay 2015.

Soyuz-5 oo dherer jiidan 62-mitir ayaa marka uu duulayo culayskiisu yahay 270 tan, marka lagu daro gantaalaha qaadaya, wuxuuna beddeli doonaa Soyuz-2 isagoo qaadi kara culays 15 jeer ka badan Soyuz-2.

Hadalsame Media