“Siyaasadda waxaa ku “wasakhoobaysa” sumcaddayda” – Ma aaminaysid waxa uu qabto qofka qowlkaa laga qoray!

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2018 – Siyaasi maad noqotid caan baad tahay e? Su’aashaas ayaa aad loogu badiyey gabar Carla Parker lagu magacaabo oo caan ku aheyd jilista aflaanta anshaxa run.

Maalintii dambe waxay bixisay jawaab aad looga qoslay, aadna u dhalisay haddal hayn badan oo waxay tiri” Haddii aan siyaasadda galo waxaan ka baqayaa oo walbahaar igu ah in sumcadeydu wasaqowdo oo sharaf daro iga soo gaarto”.

Yaaba isla hadlay qof kasta isagoo hoos ka qoslaya ayuu xagga u dhaqaaqay oo waxaa lala yaaban-yahay sida gabadhu u aaminsan tahay in hawsha ay ku jirto ka sumcad iyo magac fiican siyaasadda.

War illeyn tan oo kale!!

W; D: Moowliid Xaaji Cabdi

Hadalsame Media