”Trump waa tijaabo nool” – Donald Trump iyo culuunta siyaasadda oo isla jaanqaadi la’ (Qaybtii 1-aad)

0

(Washington DC) 20 Luulyo 2018 – Madaxwayne Donald Trump wuxuu haatan xilka ku joogaa Jamhuuri ahaan, isagoo warac geddiyay wax kasta oo uu u taagnaa xisbigaasi Republican-ku, sababtuna waa isaga oo aan gebi ahaanba lahayn aragti siyaasadeed oo joogto ah.

Xilligii ololihii doorashada, Trump wuxuu muddo 3 maalmood ah qaatay 5 moowqif oo kala jaad ah. Dhanka kale diiraddiisa siyaasadeed waxay saafi u tahay inta dhoobo nadiif tahay: “Ma doonayo in qori lala yimaado fasallada, waloow mararka qaar, ay tahay in ay macallimiintu qoryo lasoo galaan fasallada, runtii,” ayuu u sheegay Fox News sanadkii 2016.

Marka qura ee uu leeyahay wax lagu sheegi karo moowqif hal jido u socda — sida difaacidda madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin, sidii ka dhacday shirkii jaraa’id ee ku qabtay Helsinki — waxay qoorta isu galaan xubnaha sare ee xisbiga uu ka tirsan yahay.

Waxaa oo dhami waxay dadka yaqaanna culuunta siyaasadda (political scientists) iyo kuwa cilmu nafsiga gelinaysaa inay si dhow u dersaan wax loo arko tijaabo ku cusub siyaasadda.

“Weligeen horay umaynaan arag sarkaal la doortay, iskaba daa hoggaamiye xisbi ama madaxwaynaha Maraykanka, oo si sahlan ugu kala wareegaya moowqifyo kala geddisan, isagoo aan bixin wax qiil ah, raalli gelin ama sharraxaad,” ayuu yiri Michael Barber, oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Brigham Young University.

Cilmi baarayaal badan oo isagoo kale ihi waxay muddo dheer isku dayayeen inay fahmaan awoodda hoggaamiyayaasha iyo rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay la xisaabtamaan, waana markii ugu horreeysey ee ay helaan TIJAABO NOOL (real-life experiment) ay jawaabo ugu helaan su’aalaha ay qabaan ee khuseeya sida ay u shaqeeyso dimoqraadiyaddu.

La soco qayb kale….

Hadalsame Media

Facebook Comments