RASMI: Go’aankii UEFA oo la tirtiray & AC Milan oo Yurub loo fasaxay

0

(Lausanne) 20 Luulyo 2018 – Maxkamadda Cadaaladda Isboortiga ee CAS ayaa baabi’isay go’aankii UEFA, taasoo ka dhigan in AC Milan ay dheeli karto koobabka UEFA isla fasalkan 2018-19.

Go’aankan aadka loo sugayay ayaa haatan ka yimid maxkamadda CAS ee Lausanne kaddib markii ay AC Milan shalay gudbidey rafcaan ay ka qaadatay go’aankii UEFA oo u ekaa mid aan waaqici ahayn, balse Rossoneri muddo sanad ah looga eryey koobabka Yurub.

Sida uu Carlo Festa kusoo qoray Twitter-kiisa, waxaa la guddoomey rafcaankii Milan, kaasoo meesha ka saaraya go’aankii UEFA oo Milan ka xannibayay UEFA Europa League, waxaana UEFA lagu amray inay soo saarto ganaax kale oo cuntami kara sida uu baahinayo hilinka Sky Sports.


Hadalsame Media