James Bond oo filimkiisa cusub ee 007 loo dalbay kaabba laadar Ruushan ah (Astaamo naxdin leh)

0

(Los Angeles) 20 Luulyo 2018 – Laadarka la xafiiltami doono aktarka 1-aad ee sita magac beenaadka James Bond ee aflaam silsiladeedka 007, wuxuu noqon doonaa Ruushan, waana markii ugu horreeysey muddo 20 sano ah uu basaaska aalaaba Ingiriiska ihi uu la faltami doono laadar Ruush ah.

1999-kii iyo filimkii ‘The World Is Not Enough’ ayaa ahaa midkii ugu dambeeyay ee uu James Bond foolka ku diiro kaabba laadar Russian ah – Victor ‘Renard’ Zokas, oo metelayay wakiil KGB ah oo argagixiye isu bedeley, kaasoo ku hadlayay lahjadda jilaaga Scottish-ka ah ee Robert Carlyle.

Filimkan cusub oo uu wado Daniel Craig oo buuxinaya booska James Bond, magaciisuna yahay ‘Bond 25’, waxaa sameeyay Danny Boyle, waxaana jilliinkiisa la bilaabayaa bisha Diseembar ee sanadkan, isagoo la sii dayn doono Oktoobar 2019.

Soo saaraha ayaa sheegay baxaalliga iyo astaamaha uu ku xulan doono laadarka 007, kaasoo da’ ahaan ay tahay inuu u dhexeeyo 30 ila 60-jir nin ah oo kasoo jeeda Ruushka ama Balkan-ka, waa inuu yahay “burjaawi, xooggan, hal abuur leh, deggan, aarsade ah, awood jireed iyo tab dagaalna leh.”

Haddii uu dheddig yahay waa inay tahay “caaqilad, geesi, ba’an tahay, soo jiidasho leedahay, daacad uur adag, xeelad leedahay isla markaana ay ka baxsan karto xaaladaha cakiran.”

Hadalsame Media