HALLA WADA GUBTO: AC Milan oo baxar gelisey kooxaha Paris Saint-Germain, Inter & Manchester City

0

(Lausanne) 20 Luulyo 2018 – Waxaa la sheegayaa in AC Milan ay ku guulaysatey in dib u eegis lagu sameeyo xisaabaadka kooxaha Paris Saint-Germain, Inter iyo Manchester City markii ay shalay hortagtay Maxkamadda Cadaaladda Isboortiga ee Court of Arbitration for Sport (CAS).

Kooxda Rossoneri ayaa rafcaan ka qaadatay go’aan ay gaartey UEFA oo hal sano ka mamnuucday koobabka Yurub iyadoo u cuskatay inay ku tumatay xeerka dhaqaale wanaagga UEFA for Financial Fair Play.

Yeelkeede, naadiyada kale waxay UEFA ula dhaqantay si aad uga jilicsan sida Milan loo wajahey, taasoo keentay in qarreennada Milan ay miiska soo saaraan in dib loo eego koontooyinka City, Inter iyo PSG.

Waxayna ku doodeen in koontooyinka kooxahan qaarkood ay kaba sii daran yihiin kuwa Milan, misna aan laga cayrin tartamada Yurub, iyadoo sida uu qorayo La Repubblica, ay CAS aqbashay dalabka AC Milan, waxaana UEFA lagu amray inay keento koontooyin xisaabeedyada kooxahaas.

Yeelkeede, FFP ayaa ku doodaysa inay Milan koobka uga cayrinin qaamaha ka muuqda koontooyinkeeda oo qura, ee aanay sidoo kale hubin milkiilihii Yonghong Li, kaasoo aan hadda ahayn milkiilaha kooxda kaddib markii ay kala wareegtey Elliott Management, taasoo qurxinaysa rafcaanka Milan oo go’aankiisa la sugayo goor dhow.

Hadalsame Media