XIDDIG XAKAAR MARAY: Markii uu 6-jir ahaa awoowgiina waa la khaarajiyay isna waa la qixiyay + Sawirro (Qaybtii 3-aad)

0

(Modrici) 19 Luulyo 2018 – “Dagaalku nin adag buu iga dhigay, waxay se ahayd xaalad ku adkayd aniga iyo qoyskayga. Ma doonayo inaan taa weligay ka daba jiitamo, balse inaan illaawana sidoo kale dooni maayo.” ayuu yiri Modric. Halkan ka aqri qaybtii 2-aad..

Ad-adayggaa uu halkaa ka qaaday waa midka laacibkan ka caawiuay waayihiisa ciyaareed, yaysan kaa hoos bixin, waxaan ka hadlaynaa ninkii ciyaarta oo furan inta rigoore cunay, misna usoo istaagay mid kale xilligii rigoorihii kala baxa ee ay ku reebeen Denmark.

Wuxuu sidoo kale laaday rigoorihii labaad, kulankii ay sidoo kale Ruushka rigooraha ku dilayeen ee nus-dhamaadka KA2018 usoo saaray.

Yeelkeede, markii uu Modric was 10 jirka ahaa, dhowr macallin ayaa sheegay inuu daciif yahay xishoodna badan yahay oo uusan ciyaar waxba ka keeni doonin.

Kaddib markii ay iska diiddey Hajduk Split, ayuu Tomislav Basic, oo tababari jirey kooxdii uu Modric u dheeli jirey ee Zadar, wuxuu isagoo xiriiradiisa adeegsanaya Luka tijaabo uga soo dhameeyay Dinamo Zagreb.

Waana halka uu ka bullaalay, wuxuuna kooxdaa uga wareegey Tottenham kaddibna Real Madrid isagoo haatan xubin muhim ah ka ah xulkiisa iyo kooxdiisa, isagoo sidoo kale ka mdi ah laacibiinta haatan ugu qiimaha badan kubadda cagta casriga ah.

La soco qaybta 4-aad…

Hadalsame Media