SAAMAYNTA RONALDO: Tigidhadii Juventus ugu tala gashay fasal-ciyaareedka dhan oo la wada dhamaystay!

0

(Torino) 19 Luulyo 2018 – Kooxda Juventus ayaa gebi ahaanba ku leeftay wixii tigidho ahaa oo ay fasal-ciyaareedkan taageerayaasha ugu tala gashay, kuwaasoo haatan la wada iibsadey.

Juve ayaa webkeeda ku sheegtay in ay iibisey 29,300 oo tikit, kuwaasoo 4,000 oo ka mid ihi ay yihiin premium, loogu wada tala galay fasalka dhowaan bilaabmaya ee 2018-19.

95% ka tirsani waxay ahaayeen tigidho loo cusboonaysiiyay taageerayaashii horay u haystey, halka 5% soo hartay ay yihiin kuwo ay haystaan dadka xubnaha ka ah jamciyadda taageerayaasha khaaska ah, taasoo ka dhigan in aanba tigidh laga iibinin dadka caadiga ah.

CalcioNews24 ayaa ku dareysa in Bianconeri ay tigidhadaa ka heshay in ka badan €30m oo euro, taasoo ka dhigan koror dhan 30%.


Hadalsame Media