MASAWIR MURAN DHALIYAY! ”Faransiisoow xulkaaga waxaa u badan Muslimiin & Afrikaan ee u cadaalad fal!”

0

(Paris) 19 Luulyo 2018 – Xulka Faransiiska ayaa markiisii 2-aad hantay Koobka Adduunka, waxaana hubaal ah in labada jeerba ay koobka qaadistiisa qayb libaax ku lahaayeen ciyaartooy Afrikaan ah.

Dad badan ayaana ku baaqayay inuu Faransiisku u turo dadka soo galootiga ah, gaar ahaan Muslimiinta iyo Afrikaanka oo sanadihii dambe cadaadis badan oo ay ka mid yihiin isir iyo Islaam nacayb kala kulmayay hannaanka dalkaasi, kuwaasoo ay ay ciyaartooydani dabcan u badnayd.

Haatan waxaa soo baxay sawir ka mid ah kuwii la qaaday kaddib markii uu xulka Faransiisku soo guryo noqday ee ay la kulmayeen madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron, waxaase sawirka ka muuqata dhamaanba laacibiintii madowga ahayd oo safka dambe lagu wada riixay, halka ay kan hore tuban yihiin kuwa caddaanka ah.


Hadalsame Media