Dowladaha Khaliijka & qorshohooda qawda maqashiida ah ee Somalia

0

(Brussels) 19 Luulyo 2018 – Dowladaha Qadar iyo Imaaraatka oo uu khilaaf xooggani kala dhexeeyo, kaasoo ay kulasoo galgasheen dalka iskii u iimaysan ee Somalia, ayaa warar u muuqda af kala bax iyo hallagaa sheeko ka akhriyay shirkii dhowaan ku qabsoomay Belgium ee loogu magac daray shirka iskaashiga Somalia.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada dowladda Qatar Sultan Bin Saad Al Muraikhi ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya u raadinayaan dhaqaalle si ay u fududaadaan Fulinta Howlaha laga wado dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay Beesha Caalamka ka codsadeen sidii dowladad Soomaaliya loogu yaboohi lahaa dhaqaale aad u badan si ay u noqoto dowlad awood u leh hirgelinta mashaariicda horimarineed ee la doonayo in la fuliyo.

“Tan waxaa kaliya lagu gaari karaa dadaal dhab ah oo mideysan, kordhinta taageerada Soomaalida, ka dhabeynta xushmeynta madaxbanaanida Soomaaliya, inaan la faragelin arimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo la eegayo sharciga caalamiga”. Sultan Bin Saad

Wasiirka ayaa sheegay in ka qeyb-galka bulshada Caalamka ee Madasha ay xoojineyso dedaallada xal raadinta Soomaaliya, si Soomaaliya ay u ilaashato qarannimadeeda iyo in la xaqiijiyo danaha waddanka si loo dhiso amnigeeda iyo hay’adaheeda si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nolo wanaagsan, wasiirka ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan suuroobeyn ilaa inta uu Caalamka ka mideynayo dedaalladiisa ku aadan Soomaaliya.

Dhanka kale, Maxamed Ciise  Al-suwaydi oo ah Safiirka dowlada Imaaraadka uga wakiilka ah daalalka Belgium, Luxembourg iyo EU-da, ayaa sheegay in dowladiisa aysan ka raali noqon doonin in maleeshiyaadka Alshabaab ay qasaan amniga Somalia, waxa uuna cadeeyay inay wadaan qorshooyin cusub.

Waxa uu safiirka sheegay in dowladiisa ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahaayeen dadka Soomaalida iyo dadaalka lagu doonayo in lagu so celiyo Midnimadda, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Maxamed Ciise  Al-suwaydi, oo ka hadlaayay shirka lagu soo gabagabeeyey magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay la xaajooto Somalia isla markaana kala shaqeyso sida amniga, dhaqaalaha iyo xasiloonida.

Waxa uu Danjire Maxamed Ciise  Al-suwaydi carab dhabay in Somalia ay ka taageerayan dhinacyadda Tababarka Ciiddamadda, Dhaqaalaha, Loojistikada, Gargaarka Samafalka iyo La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

Labadan dal ayaan ilaa iminka wax la taaban karo u qabanin dowladnimada Somalia, iyadoo ay Imaaraatku faragelin toos ah wadeen inta la ogyahay 3-4 sano ee ugu dambeeyay, halka Qadar aysan ka liidanin oo muddo dheer si dadban ugu jirtey arrimaha Somalia, iyadoo uu gadaal ka taagan yahay Sucuudigu.

Hadalsame Media