Baro 15 jilaa oo caan ah oo qaba cudurro halis ah (Qaybtii 1-aad)

0

(Mumbai) 19 Luulyo 2018 – Bollywood oo ka dhisan Hindiya waa hay’adda labaad ee soo saarta aflaamta ugu badan caalamka kaddib Nollywood oo ka jira Nigeria, haddaba maxaa shaashadda qalinka ah ka shisheeya?

Waxaan halkan idiinkugu haynaa 15 jilaa oo caan ah oo aad ku taqaanno aflaamta Hindiga ah oo qaba ama uu ku dhacay cudur halis ah oo dilaa ah.

1 – Shakhrukh Khan

Ninkani wuxuu maray 8 qalliin oo looga sameeyay garabka, isagoo walaq ka qaba garabka, taasoo gacantiisa midig ka dhigay mid daciif ah oo aan xoog badan lahayn.

2 – Salman Khan

Wuxuu ninkani qabaa buktada loo yaqaanno Trigeminal Neuralgia, taasoo keenta xanuun ba’an oo uu qofku ka dareemo neerfayaasha wejiga, waxaana jilaagan cudurkaasi lagala tacaalayay muddo 9 sanadood ah.

3 – Sonam Kapoor

Waxay qalanjadani muddo dheer la besteed ahayd Polycystic Ovary Syndrome, kasoo ay ka dhalato gabadha oo uu ku bato dhecaanka androgens (male hormones), waxaana laga waayaa caadada, ama culays bay ku noqotaa, wejiga oo timooba, misko xanuun, uur qaadista oo dhib noqota iwm, waxaa kale oo gabadhani ka cabanaysay buurnaan ama cayil iyo sonkoroow ama macaan.

4 – Hritik Roshan

Wuxuu jilaagani muddo dheer ka sheeganayay jirrada Subdural Haematoma, kaasoo ah dhiig ku xinjirooba gudaha maskaxda kaddib marka uu dhaawac gaaro, waxaanay dhibaatadani soo gaartey yaraantiisii.

5 – Saif Ali Khan

Jilaagan wuxuu wadnuhu istaagi gaarey 2007-dii, wuxuu sidoo kale qabaa buktada Myocardial infarctions (MI), wuxuuna yimaadaa marka uu dhiiggu ku yaraado ama ka istaago qayb ka mid ah wadnaha, taasoo dhalisa inuu dhaawac gaaro murqaha wadnaha.

Waxaana badiyaa lagu gartaa astaamo ay ka mid yihiin xabad xanuun ama diiqad uu qofku dareemo, taasoo ku faafta garabka, gacanta, dhabarka, qoorta iyo qalka.

La soco qayb kale….

 

Hadalsame Media