(Kismaayo) 18 Luulyo 2018 – Shir xasaasi ah oo ay ku yeesheen magaalada kismaayo Wasaaradaha Kalluumeysiga maamul goboleedyada dalka ayay ku sheegeen inay joojiyay wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Wasiiradda Wasaaradaha Kalluumeysiga maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxay ka soo saareen war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.
Waxay sheegeen in Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federaalka ay gashay heshiisyo baal marsan shuruucda dalka iyo in ruqsado la siiyay shirkado kalluumeysi oo shisheeye, waxaana ay tilmaameen inay u arkaan ruqsadaas kuwo sharci darro ah.
Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka.
Hadalsame Media