XOG: AC Milan oo isbeddel dhanka maamulka ah samaynaysa (Laacibiin imanaysa & kuwo socda)

0

(Milano) 17 Luulyo 2018 – Kooxda AC Milan oo ay haatan gacanta ku hayso hay’adda Elliott Management ayaa Sabtiga sugaysa in isbeddel lagu sameeyo maamulkeeda, waxaana isasoo taraya wararka Xoghayaha Fulinta Arsenal ee Ivan Gazidis la xiriirinaya inuu booska Agaasimaha Guud ee Milan ka dhaxli doono Marco Fassone oo haatan London ku sugan si loogu sheego mustaqbalkiisa.

Dadka kale ee Milan lala xiriirinayo waxaa ka mid ah Leonardo,  oo waloow ay diiddan yihiin taageerayaasha Curva Sud ee Milan, misna la hadal hayo inuu xil ka qaban doono AC Milan-ta cusub ee Elliott.

Dhanka suuqa kala iibsiga AC Milan ayaa lala xiriirinayo Alvaro Morata iyo Gonzalo Higuain midkood iyadoo ninka dambe la sheegayo inuu ogolaaday inuu Milan ku biiro, dhanka khadka dhexe waxaa shaashadda kusoo laabtay Leandro Paredes oo u safta Zenit St. Petersburg.

Waloow la sheegayo inuu soo laabtay Massimiliano Mirabelli, misna waxaa loo badinayaa inay London kula hadli doonaan Morata oo aan u muuqanin mid la qabsaday horyaalka orodka ku dhisan ee EPL, waxaa sidoo kale Milan lala xiriirinayaa laacibka khadka dhexe ee Milan Badelj, oo ka xarig furtay Fiorentina isla markaana si bilaash ah lagu heli karo.

Yeelkeede, Milan ayay u badan tahay inay dirto qaar ka mid ah ciyaartooydeeda, gaar ahaan Alesandro Bonucci iyo Suso, iyadoo ninka dambe uu bedeli karo Jose Callejon.

Xigasho: Sky Sport

Hadalsame Media