LA YAAB: Laacib lambarkiisii laga siibtey oo lambar cusub ka baafinaya Twitter!

0

(Torino) 17 Luulyo 2018 – Laacibka garab-weerarka ah ee Juan Cuadrado ayaa lambarkiisii Juventus ee 7 u hibeeyay laacibka dhowaan kooxdaa kusoo biiray ee Cristiano Ronaldo oo shalay la soo bandhigay.

Cuadrado ayaase kaftan iyo maad ka dhigtay xaalad ay dadka qaar u arkeen mid sirgaxan maaddaama lagu khasbay inuu lambarkiisa siiyo laacib hadda uun kusoo biiray koox uu sii joogey.

Wuxuu arrinta la tegey Twitter isagoo taageerayaasha ka codsaday inay la xulaan lambarkii uu qaadan lahaa, isagoo siiyay ilaa 4 dookh oo ay u kala dooraan.


Hadalsame Media