Garsoore laga helay cudur aad u halis ah + Sawirro

0

(Roma) 17 Luulyo 2018 – Garsoorihii hore ee Serie A ee Giuseppe Rosica ayaa laga helay cudurka halista ah ee ALS, taasoo ka dhigaysa garsoorihii ugu horreeyay ee cududkan laga helo kaddib laacibiin badan.

Cudurkan oo ku dhaca hab-dhiska dareen wadka, magaciisa oo buuxana uu yahay Amyotrophic Lateral Sclerosis or Lou Gherig’s Disease, ayaa burburiya xakamaha murqaha, taasoo qofka ku adkaysa inuu hadlo, wax liqo, marka dambena xitaa neefsado.

Waa cudub badiyaa ku dhaca dadka ciyaara noocyada isboortiga, sida qannaaskii hore ee Fiorentina ee Stefano Borgonovo iyo kabtankii Genoa Gianluca Signorini oo u wada geeriyoodey.

Rosica ayaa horyaalka Serie A seeriga u sidey intii u dhaxaysay 1990 ilaa 1996, waana 62 jir haatan.

Hadalsame Media