DHIIG-MIIRAD: Hannaanka ay ku shaqeeyaan bankiyada Somalia ku yaalla oo laga dayriyay!

0

(Hadalsame) 17 Luulyo 2018 – Waxa aannu maanta wada hadalnay nimaan adeer u ahay oo dalkii jooga. Is xaal waraysi ka dib, waxa uu iiga sheekeeyay arimo fara badan. Waa arrin ku saabsan bangiyada islaamiga ah banki ka mid ah lana yiraahdo “***** Banki “oo dalkii ku yaalla. Wuxuu igu yiri waxa aan u baahday lacag gaaraysa $5000 oo aan hawlo iga qabyo ahaa ku qabsan lahaa.

Markii aan bankigii u tagay waxa ay ii sheegeen in aysan lacag kaash ah bixin ayse bedelkeed alaabo kuu iibinayaan, waayo siday yiraahdeen shareecada islaamka oo bangigu ku dhaqmo ma qabto in lacagta laga ganacsado oo ribo iyo wax daran ayaa imaanaysa. Wuxuu yiri waxa aan waydiiyay xalka ay ii hayaan maadaama aan muxtaaj u ahay lacag kaash ah.

Waxa ay ku yiraahdeen “waxa aannu kuu iibinaynaa 200 oo kiish oo sonkor ah, kadib hadaad rabto iibso oo lacagtaas isticmaal”. Wuxuu yiri waa aan iska aqbalay maadaama aanan hayn xal kale, wax se aan ku fakaray buu yiri in aan aado qof aan aqaan oo bakhaar sonkorta iibiya leh, kana codsado in uu ii ixsaan falo oo bankiga sonkorta ka iibsado anigana lacagtayda kaash ahaan iisiiyo si aan danahayga ugu qabsado.

Wuxuu yiri markii aan hawsha soo dhamaystay oo aan kuwii bankiga ku soo noqday waxa ay ii sheegeen in ay sonkorta ka iibinayaan shirkad ay shuraako yihiin oo raashinka ka ganacsata. Ugu dambayn wuxuu yiri sida ay rabeen ayaan yeelay, waxa ay iiga iibiyeen shirkad shuraako ay yihiin 200 oo kiish oo sonkor ah. Calaa kiish waxa ay iigu dhufteen $25 oo la mid ah 25×200 = $5000.

Waxa ay iga rabaan muddo sannad iyo bar ah lacag gaaraysa 5000+dulsaar=$? Waxa ay igu xisaabiyeen 19% oo dulsaar ah oo noqonaysa 5000×19 ÷ 100 = $950 (interest/ribo) ayse muraabaxo u yaqaanaan. Totalka laga rabo waa $5000 + 950 = $5950. Waxaa intaa ii dheer buu yiri in shirkaddii sonkorta ay ka iibiyeen ay diiday in ay sonkorta dib iiga sii iibshaan illeen isagu sonkor ma rabin e.

Waxa ay igu khasbeen in aan sonkorta bakhaarkooda ka daabusho sida ugu dhaqsiyaha badan, deetana waxa aan bilaabay buu yiri in aan raadsho cid sonkorta iga iibsata. Asbuuc ka dib waxa aan helay qolo bakhaarley ah oo jumlo ahaan iiga iibsanaysa sonkorta, waxse ay iga siiyeen calaa kiish $23, meeshii aniga la iigu xisaabshay $25. Waxa ay noqotay kharashkii aan helay $23 × 200 = $4600, waxa uuna khasaaray $5000 – 4600 = $400, weliba lacagtii xamaalku aniga ayay i raacday ayuu yiri.

War adigu ninkaasi waxa uu maalmo kadib markuu heshiiskii saxeexay kaash ahaan u helay $4500 oo nadiif ah. Wax se sannad iyo bar kadib laga rabaa $5950 oo uu bil walba qayb bixinayo. Waxa uu igu yiri walaahi adeeroow waxan lagu sheegayo bangiyo shareecada ku dhaqma runtii waa bangiyo hunguri ku dhaqma. Waxaana 100% dhaama kuwa gaalada ribada cad ku shaqaysta saa lacag kaash ah oo aan muran iyo qarjajac lahayn baad ka helaysaa oo danahaaga aad ku fushanayso si fudud.

Wuxuu yiri lacagtii aan dayn ahaan uga rabay ayay igu khasbeen in aan shirkad ay shuraako yihiin kiishash sonkor ah uga iibsado si ay u faaiidaan, deetana lacagtii oo wado dheer oo dhib badan aan u soo maray ayay hadana saarteen dulsaar (ribo )magac kale leh. Bal adigu 19% oo qiimo ahaan dhan $950 maxaad ku macnayn? Hadaysan tani ribo cad ahayn malaha ribaba majirto.

Waxaa qoray: Sharma’arke Beddel Sugulle

Hadalsame Media