DHEGEYSO: ”Meel soke haka fikirine marka aan Muqdisho furno ka shaqeeyso” – Dr Abiy Ahmed

0

(Adis Ababa) 17 Luulyo 2018 – Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Dr Cabbeey Axmed ayaa beryahan Geeska iyo Bariga Afrika ka iibinayay aragti ah inuu yahay isbeddel doon cusub oo doonaya inay nabad iyo iskaashi ku wada noolaadaan shucuubta gobolkaasi.

Yeelkeede, mar uu kulan la qaatay qoowmiyadda Uraagada (Gurage) ayay ka codsadeen inuu u sameeyo kilin ay iyagu gaar u leeyihiin, maaddaama ay saluugsan yihiin inaysan lahayn gobol u gaar ah.

Haddaba Dr Cabbeey Axmed ayaa ku qanciyay: ”Ka gudub halkaa soke ee aad ka fikirayso, yaa ka shaqaynaya marka aannu Muqdisho furno?”

Dad badan baa fasiraado kala geddisan u bixiyay kelmadda ”marka aannu Muqdisho furno” oo dhan ka noqon karta kelmad caadi ah, balse markale noqon karta ”marka aannu Muqdisho furanno”, furasho oo dabcan ah qabsi ama xukumid.

Hoos ka dhegeyso

 

Hadalsame Media